<|ali_mahdi_fall_080707.jpg|PHOTO BY DOLI|left|>(SomaliNet) Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo wakiilka qaaska ee Q.M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya François Lonsény Fall ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdishu ee caasimad Soomaaliya si uu wadahadal ula yeesho madaxda dowlada iyo gudiga shirka dib u heshiisiinta.
Wafdiga ayaa yimid Muqdishu abaarahii 10-kii barqanimo, waxaana ka dib loo soo galbiyey xarunta madaxtooyada halkaasoo kulanka ay albaabada u xiran yihiin la yeesheen madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo ra’iisal wasaarhiisa Cali Geedi.
Mr. Fall iyo wafdigiisa ka kala socday wadamada Norway, Sweden iyo Denmark ayaa sidoo kale waxa ay ka qeyb galeen shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Muqdishu halkaasoo ay kula kulmeen gudiga shirka.
Isagoo ka hadalyey hoolka shirka ayaa Mr. Fall waxa uu sheegay in Q.M ay si buuxda u taageersan tahay shirka qaran ee hadda socda, waxa uuna ku booriyey ergada Soomaalida inay natiijo wanaagsan ka soo saaraan shirkooda oo uu guuleysto.
“Q.M waxa ay soo dhoweenaysaa shirka nabada ee hada socda, waxa ayna caawinaysaa Soomaaliya sidii ay dib ugu heli laheyd xasiloonideeda, waxa aan doonayno waa inaan aragno Soomaalida oo ku heshiiyey mustaqbalkooda,” ayuu yiri Fall.
waxa uu ka codsaday guddiga shirka dib u heshiisiinta inay albaabada u furan hogaamiyayaasha mucaaradka inay ka qeyb qaataan shirka nabada.
“waxaan mar labaad weydiisanayaa gudoomiye Cali Mahdi Maxamed inuu ku qanciyo kuwa looltamaya inay cambaareeyaan rabshadaha oo ay taageeraan nabada iyo xasiloonida,” ayuu yiri Fall.
“wafuuda caalamka waxay nala soo qaadeen sidii mucaaradka dibada jooga aan u keeni laheyn miiska wada-xaajoodka, waxaana u xaqiijinay in aan diyaar u nahay inay wadahadal la furno ragaasi,” ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed, gudoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Soomaalida.
Wafuuda waxaa ku jira Eric Lorache, isku-duwaha kaalmooyinka bani’aadnimo ee Soomaaliya oo isagu todobaadkii hore soo booqday caasimada isla markaana walaac ka muujiyey xaalada ay ku nool yihiin dadka soo barakacay eek u sugan duleedka koonfureed ee Muqdishu.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!