Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Ethiopia oo ka hadashay eedeymo loo jeediyay

Published on: 2007-05-06 09:15:49

(SomaliNet) Wasaarada arrimaha dibada dowlada federaalka Itoobiya ayaa ka hadashay eedeymo ay dowlada Itoobiya u soo jeediyeen qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka dalkaasi, iyada oo eedeymahaasina ay ku aadaneyd fara geglinta ay ciidamada dowlada Itoobiya ku sameeyeen dalka Soomaaliya.

Wasiirka wasaarada warfaafinta Itoobiya ayaa gaashaanka ku dhuftey eedeymo uga yimid xisbiyada Mucaaradka ah ee CUDP, UEDF iyo OFDM.

Wasiirka Warfaafinta ee dalka Ethiopia Berhan Hailu ayaa u sheegay saxaafadda dalka Ethiopia inaysan jirin wararka ay sheegayaan xisbiyada Mucaaradka dalkaas, uuna yahay warka ay sii daayeen xisbiyadaas kuwo aan wax dhisayn balse wax duminaya.

Faragelinta Ethiopia ee Soomaaliya waxay ku timid codsi kaga yimid Dowladda Federaalka, ee ma ahayn mid ay Ethiopia iskeeda isaga qaadday, waxaana habboon in sidaa loo ogaado\" ayuu yiri Berhan Hailu Wasiirka Warfaafinta ee Ethiopia.

Wasiirka ayaa sheegay in faragelinta Ethiopia ee Soomaaliya ay ahayd mid timid kaddib markii Dowladda Ethiopia ay u aragtay inay khatar kaga imaan karto dhanka Maxkamadihii Islaamiga ahaa, taasna ay tahay midda keliya ee kaliftay inay ciidammada Ethiopia galaan gudaha Soomaaliya.

\"Waxaan qirayaa in xisbiyada Mucaaradka aysan wax badan u fiirsan marka ay hadalkaan soo saarayeen, waxaana habboonaan lahayd inay ogaadaan inay jirtay khatar ay Ethiopia ka cararaysay, waana taas midda keentay inaan gudaha u galno Soomaaliya\" ayuu mar kale ku celiyay Wasiirka Warfaafinta ee Ethiopia.

Back to Category