Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Ethiopian-ka oo dad xir xiray

Published on: 2007-07-09 12:12:35

(SomaliNet) Ciidamada Ethiopia ee ku sugan caasimada Soomaaliya ee Muqdishu ayaa xiray todobo qof oo ay ka soo qabteen xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee waqooyiga Muqdishu ka dib markii xalay qarax bambaano uu ka dhacay meel ku dhow fariisin ay ciidamada Ethiopia ku leeyihiin gudaha garoonka kubada cagta ee Stadium Muqdishu.

Dad goob joogayaal ah ayaa u sheegay Somalinet in ciidamada Ethiopia ay saakey weerareen guryo ku yaalla meel ku dhow xeradooda oo ay meelahaasi la soo qabteen dad ay tuhmeen.

“ka dib markii waaga beryey, ayaa ciidamada Ethiopian-ka ee degan garoonka kubadda cagta waxa ay baaritaano ugu dhaqaaqeen dhowr guri meel ku dhow halka xalay uu qaraxa ka dhacay, waxayna guryahooda kala baxeen todobo rag ah oo isugu jira dhalinyaro iyo waayeel,” ayuu yiri Cali ducaale.

Ducaale waxa uu intaasi ku daray in laba nin oo burcad ah ay bam ku tureen guri ku yaalla xaafada oo ay doonayeen inay dhacaan laakiin bartilmaameedku ma aheyn Ethiopian-ka.

Mid ka mida dadkii la xiray ayaa la iska soo siidaayey, sida ay wararka sheegayaan.

Xarigan ayaa ymid iyadoo dowlada Soomaaliya askarteeda ay wadaan howlgalo balaaran oo amaanka lagu sugayo malaintii shanaan oo xiriir ah.

Back to Category