Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Fanaaniin soomaaliyeed oo gudoomiye doortay

Published on: 2007-03-12 09:28:58

(SomaliNet) Kulan maanta ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah fanaaniinta ku dhaqan magaalada Muqdisho ayay ugu doorteen abwaan Yuusuf Maxamed Muumin inuu u noqdo gudoomiye faniinta soomaliyeed ee Muqdisho ku dhaqan.

Doorashada gudoomiyaha cusub ee fanaaniinta Muqdisho ku dhaqan kadib ayuu hadal kooban halkaasi ka jeedaiyay abwaan Yuusuf Maxamed Muumin Yuusuf Yare, wuxuun sheegay in dhibaatooyin kale duwan ay fanaaniinta soomaaliyed la kulmeen waqtigii uu dalka ka jiray dagaalada sokeeye, wuxuunas balan qaaday inuu ku dadaali doono sidii uu isugu keeni lahaa dhamaan fanaaniinta soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Abwaan Yuusuf yar ayaa u balan qaaday inuu mushaar siinayo fanaaniinta soomaaliyed marka la gaaro 30 bisha Maarso ee isla sannadkan, taasoo sare u sii qaadeysa niyada iyo muraalka u hayaan gudoomiyaha cusub ee maanata ay doorteen fanaaniinta Muqdisho ku sugan, wuxuuna Yuusuf Yare ka mid yahay soomaalida ku dhaqan dalka Sweden.

Sidoo kale waxaa gudoomiye ku xigeen loo doortay abwaanka maansa ruuga weyn ee soomaaliyeed abwaan Axmadeey Cabdi gaashaan.

Back to Category