(SomaliNet) Gaadiidka BL-ka ee Suuqa xoolaha ayaa manta howl bilaabey, iyada oo maalmihii la soo dhaafey wax gaadiid ah aaney halkaasi ka shaqeyneyn.
Gaadiidka ayaa saakay tagayay suuqa xoolaha, inkastoo qiimaha lagu raacayay uu ahaa mid sedex jeer ka badan sidii horey loogu raai jirey.
Howshaan gaadiidka ayaa ku soo beegantay, kadib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidamadii dowlada Itoobiya ee halkaasi joogey, kuwaasi oo markii hore gaadiidka u diidi jirey in ay hareerahooda yimaadaan.
Dhinaca kale, dadkii ku dhaqnaa agagaarka warshadii hore ee Baastada iyo Ceymiska ayaa bilaabey in ay dib xaafadahooda u soo eegaan, iyaga oo quudareynaya in ay dib ugu soo laabtaan.
Deegaanka Suuqa Xoolaha dad badan oo ku dhaqan waxa ay cabsi xoogan ka muujinayeen dadkii halkaasi ka bara kacay oo qaarkood aan dib ugu soo laaban iyo xaafada oo cidlo ah.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!