(SomaliNet) Gaari xamuul ah oo ku sii jeeday magaalada Kismaayo, isla markaana la sheegay inuu hub u siday Kismayo ayaa lagu soo waramaya in lagu qabtay hub uu waday gaarigaasi.
Wararka naga soo gaarayo deegaanka Buulo-gaduud ayaa sheegaya in ciidamada ku sugan deegaankasi ay gacanta ku dhigeen gaari hub u waday magaalada Kismaayo kadib markii ay ciidamadu baaritan ku sameeyeen gaarigaasi u socday dhanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.
Hubka lagu qabtay gaariga ku sii jeeday dhanka magaalada Kismaayo ayaa la sheegayaa inuu isugu jiray hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoo magaalada Kismaayo ay maal-mihii tagay ka ka jireen iska hor-imaad dhanka maamulka, taasoo sababtay in mamaulkii ay dowlada federaalka Somalia u soo magacaawday ay magaalada Kismaayo isaga soo baxeen, iyadoo ay hogaamiyayasha dhaqanka ee beelahab wada dego magaladaasi ay wadeen dhex dhexaadin lagu doonayo in lagu nabadeeyo beelaha qaar ee ku sugan deegaano ka mid ah Kismaayo.
Hubka lagu qabtay deegaanka Buulo-gaduud ee ka tirsan Kismaayo ayaa abuurikara inuu sii xoogeysto qilaafkii ka dhex jiray beelaha qaar ee ku dhaqan deegaanadaasi, iyadoo la wada og soon yahay in beelaha Sadde iyo Majeerteen uu ka dhex oognaa iska hor-imaad ku saabsan dhanka gacan ku heynta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!