(SomaliNet) Wasaarada arimaha dibada ee dalka Germany ayaa shaaca ka qaaday inay ugu deeqday dalka Somalia lacag gaareysa 1.5 Milyan oo Euro.
Lacagta ay dowlada Germany ugu deeqday dalka Somalia ayaa lagu sheegay in loogu talagalay in looga qeyb qaato gar-gaarka bani\'aadanimo ee la siinayo dadka soomaaliyed ee dhibaateysan xiligaan, iyadoo lacagtasi ay dowlada Germany ay Somalia u sii marsiin doonta hayadaha kala ah Diakonie Katastrophenhilfe iyo I.C.R.C., kuwaasoo kalain weyn ka qaadan doono sidii wax loogu qaban lahaa dadka soomaaliyeed ee ay dhibaatooyinka kala duwan ka soo gaareen dagaaladii dalka ka dhacay.
Hay-adaha gargaarka ee Q.M ayaa walaac kamuujinaya dadka ku barakacay iyo kuwii kale ee waxyeeladu ay ka soo gaartay dagaalkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay, iyadoo dadka ku barakacay dagaalkasi lagu sheegay inaydhan yihiin 365 Kun oo qofood, kuwaasoo aan intooda badan wali ku soo laaban guryihii ay isaga carareen, waxaana intaasi u sii dheer in tiro badan oo dadkaasi ka mid ah ay guryahoodii ku bur bureen madaafiicdii la isweydaarsanayay intii uu dagaalkusocday.
Dalka Germany wuxuu ka mid yahay dalalka ugu badan ee kaalmada siiya dadka soomaaliyeed.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!