Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Gudi ganacsato oo Baladweyne looga dhawaaqay

Published on: 2007-03-12 09:07:58

<|beledweyn200703121.jpg| |left|>
(SomaliNet) Gudi ay ku mideysan yihiin dhamaan Munaasabad lagu maammganacsatada gobolka Hiiraan ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Munaasabad lagu maamuusayay ku dhawaaqida gudiga ganacsatada gobolka Hiiraan, isla markaana ay ka soo qeybgaleen masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, hogaamiyayaasha dhaqan ee beelaha wada dego Hiiraan iyo madax ka socotay dowlada federaalka ee somalia ayaa maanta lagu qabtay xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne.

Hadal uu halkaasi ka jeediyay gudoomiyaha cusub ee gudiga ganacsatada ee gobolka Hiiraan md Xasan Sheekh Axmed ayaa balan qaaday in wax qabadka koobaad ee gudigu uunoqon doono inay wax ka qabtaan fataadihii uu sameeyay wabiga magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, isagoo sidoo kale sharaxaad ka bixiyay baahida keentay in gudigaan la aasaaso, taasoo uu ku tilmaamay inay aheyd mid loo baahnaa laakiin laga soo dib dhacay.

Sidoo kale waxaa munaasabadasi hadalo koo koban ka soo jeediyay ku gixeenka gudoomiyaha gudiga ganacsatada gobolka Hiiraan md Cabdilaahi Maxamed Rooraaye, masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, waxgarad ka soo jeeda beelaha wada dego deegaanka uu ka kooban yahay gobolkaasi iyo qaar ka mid ah aqoonyahanka ku dhaqan Hiiraan, kuwaasoo dhamaantood soo dhaweeyay dhismaha gudiga cusub ee ganacsatada gobolka Hiiraan.

Waa markii ugu horeeysay ee ay ganacsatada ku dhaqan gobolka Hiiraan ay sameystaan gudi ganacsato oo ay ku mideysan yihiin ganacsatada ugu waa weyn ee gobolka Hiiraan.

Back to Category