(SomaliNet) Odoyaasha iyo nabadoonada beelaha Kablalax ayaa u magacaawday gudi uga qeybgalo wadahadao ay wadaan masuuliyiin ka tirsan dowlada federaalka ee Somalia, taasoo lagu dhex dhexaadinayo beelihii dhawaan ku diriray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubba hoose.
Nabadoonada iyo hogaamiyayaahs beelaha Kablalax ayawaxay gudiga ay magacaawdeen durbadiiba ay u gudbiyeen masuuliyinta dowlada federaalka ee Somalia, waxayna xubnaha ay beeshaasi soo magacaawday ay ka kooban yihiin Salaadiin, Ugaasyo iyo qaar ka mid ah nabadoonada beeshaasi oo si weyn looga yaqaano gobolada Jubba hoose ee dalka Somalia, kuwasoo tiro ahaan gaarayo ilaa 10 xubnood sida uusaxaafada u sheegay Ugaas Buulle oo ka mid ah masuuliyiinta dhaqanka ee Kablalax.
Dadka u kuurgalo murunka dhanka maamulka ee ka taagan magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in magacaabista gudiga dhaqanka ee beelaha Kablalax ay wax weyn ka tari doonto sidii nabad looga dhalinlahaa muranka ka taagan magalada Kismaayo ee la xiriira dhanka mamaulka.
Xaalada Ksmaayo ayaa wali aad u carikaran tan iyo markii uu iska hor-imadka beeleed ka dhacay magaladaasi, iyadoo masuuliyiin ka tirsan dowlada federaalka Somalia ay ku dadaalayaan sidii ay xaaladaasi u qaboojin lahaa, laakiin waxaad moodaa in dhinacyada isku hayo maamulka Kismaayo ay koox waliba aaminsan yahay inay iyadu ay xaq u leedahay qabashada maamulka Kismaayo.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!