(SomaliNet) Dib dabley ah oo aan la aqoon ayaa shalay galab toogasho ku dhaawacay gudoomiyaha degmada Boondheere ee waqooyiga Muqdishu, iyadoo sidoo kale uu dilay mid ka mida ilaaladiisa.
C/kariin Maxamuud Xasan ‘Xuuti’ ayaa lagu dhuftay dhowr xabadood isagoo markaa daawanayey ciyaar kubada cagta ah oo ka dhacaysay degmada Boondhere, waxaana dhaawaciisa loo qaaday isbitaalka.
Maxamed Muxyidiin oo ah afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in weerarkii shalay uu ahaa fal la isku dayey in lagu dilo gudoomiyaha degmada Boondheere.
Waxa uu sheegay in gudoomiyaha uu bad-qabo laakiin uu soo gaaray dhaawac fudud.
“waa uu badbaaday, dhaawaciisa waa mid yar, waxaana loo qaaday isbitaalka Keysaney halkaasoo qaliin lagu sameeyey,” ayuu yiri Muxyidiin. Waqtiyadii la soo dhaafayna, ilaa lix gudoomiyayaal degmo ayaa lagu dilao magaalada Muqdishu.
Dowlada ayaa ku eedeysa maxkamadahii Islaamiga inay ka dambeeyaan dilalka ka dhanka madaxda dowlada.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!