(SomaliNet) Gudoomiyaha waaxda 1aad ee degmada Dayniile marxuum Axmed Cali Cibaar ayaa maanta kooxo hubeysay ay ku dileen gudaha degmadaasi Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Dilka loo geystay marxuum Axmed Cali Cibaar ayaa qeyb ka ah falalka dilka ah e lagu ugaarsanayo masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo xubnaha kale oo ka tirsan dowlada Somalia sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Daniile.
Gudoomiyaha degmada dayniile ee maamulka gobolka Banaadir ayaa tilmaamay in dilka loo geystay marxuum Axmed ay ka dambeeyeen 3 qofood oo hubeysnaa, laakiin wuxuu intaa ku sii daray in gacanta lagu dhigay mid ka mid ah sadexdii nin ee ka dambeeysay dilkaasi, wuxuuna gudoomiyuhu xusay in sharciga la horkeeni doono sida uga dhaqsiyaha badan.
Falalka dilka ee ka dhacaya gudaha magaalada Muqdisho ayaa sii kordhaya maalinba malinta ka dambeeysa, iyadoo ay hore u dhaceen dhowr fal oo dil ah oo loo geystay qaar ka mid ah gudoomiyayasha maamulka cusub ee uu gobolka Banadir u magacaabay degmooyinka gobolka Banaadir, mana jirto ilaa iyo qof loo qabtay ama sharciga loo keenay dilalka ka dhacay Muqdisho.
Masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay ku raad joogaan kooxaha dambiyada geystay, waxayna xuseen in dhawaan gacanta lagu dhigi doono, hase yeeshee waxaa wali muuqata in dilalka lala beegsanayo masuuliyiinta mamulka gobolka Banaadir ay sii socdaan.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!