(SomaliNet) Gudoomiyihii odoyaasha beelaha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan Cumar ayaa maanta xabsiga laga si daayay kadib marki ciidamo ka tirsan dowlada federaalka Somalia ay xabsi shalay u taxaabeen.
Lama yaqaano ilaa iyo hada sababaha Xaajiga Cabdi Iimaan xabsiga lo taxaabay, hase yeeshee qaar ka mid ah diplumaasiyinta beesha caalamka ayaa sheegay in talabaada xabsiga loogu taxaabay Xaajiga ay aad uga xun yihin, iyadoo masuliyiin u hadashay dowladaha Mareykanka iyo Ingiriska ay sheegeen inay wax weyn u dhimeysa geedi socodka shirka dib u heshisiinta beelaha Somalia ee dhawaan lagu wado inu Muqdisho ka furmo.
Xaajiga ayaa xaaladisa caafimaad ay aad u wacan tahay, waxayna wararka qaar sheegayan in lagu hayay xabsi ku yaalo xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, halkaaso farisin u ah madaxweynaha dowlada federaalka Somalia md Cabdulaahi Yuusuf Axmed.
Dhanka kale waxa iyaguna maanta guryahooda laga kaxeystay gudoomiyaha gudiga siyaasada ee beesha Ceyr md Maxamud Maxamed Culusoow, ganacsade Maxamed Deylaaf iyo Cali Xaashi Baraale iyo xubno kale, kuwaasoo saacado kadib dib loogu soo celiyay xoriyadoodii.
Maxamud Culusoow oo ka mid ah raggii maanta la qabtay ayaa saxaafada u sheegay in si aan wanaagsaneyn loola dhaqmay, isagoo cadeeyey in lagu xiray xarunta madaxtooyada, gaar ahaan halki uu ku xirnaa Xaaji Cabdi Iimaan, taasoo u tilmaamay inay aheyd meel aan u qalmin in rux bani-aadam ah lagu xiro.
Wali waxaa gacanata dowlada federalak ku jira Maxamed Jimcaale Rooble (Goobaanle) kaasoo shalay ay cidamada dowlaad federaalka ay kaal baxeen gurigiisa, isagoo ilaa iyo hada aan la garaneyn meesha uu ku xiran yahay.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!