Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Gudoomiyihii degmada Ceel-buur oo Muqdisho lagu dilay

Published on: 2007-06-04 07:28:03

(SomaliNet) Gudoomiyihii mamaulka ee degmada Ceel-buur marxuum Cali Waraabe ayaa xalay kooxo hubeysan ay ku dileen deegaanka Xararyaale ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa la dilay xili uu ka soo baxay salaada cisha ee masjidka Xararyaale ee degmada Wardhiigleey, iyadoo sida la sheegay kooxaha dilka u geystay marxuumka ay soo dabagaleen marxuumka kadibna dku dileen isla goobta sida ay Somalinet u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Dilka gudoomiyahaan ayaa noqonaya dilkii 2aad ee loo geysto masuuliyiin ka tirsan dowlada gaar ahaan gudoomiyayahaasha degooyinka qaarkood todobad gudahiis, iyadoo dhawaan ay kooxo hubeysay ay Muqdisho ku dileen gudoomiyihii degmada Howl-wadaag, inkastoo ay maamulka gobolka ay sheegeen in la qabtay 3 nin oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen dilka gudoomiyaha degmada Howl-wadaag.

Magaalada Muqdisho ayaa xaaladeeda nabadgelyo ay faraha ka soo baxeysaa maal-mahan dambe, iyadoo masuuliyiinta dowlada, ciidamada iyo shacabkaba si bareer ah ay kooxo hubeysan ugu dilaan gudaha magaalada.

Back to Category