(SomaliNet) Gudoomiyihii mamaulka degmada Shibis ee gobolka Banaadir marxuum Abuukar Xuseen (Baanoow) ayaa saakay kooxo hubeysay ay ku dileen magaalada Muqdisho.
Sida ay xaqiijayaan dadka deeganka Shibis ee magaalada Muqdisho dilka gudoomiyaha ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen rag hubeysan oo sitay dresska ciidamada dowlada, wuxuuna dilka gudoomiyaha ka dhacay agagaarka suuqa Maana-boosyo ee magalada Muqdisho.
Maamulka gobolka Banadir aya durbadiiba yeeshay kulan looga arinsanayo dilka saakay ka dhacay magalaalada Muqdisho ee lagula kacay mid ka mid ah gudoomiyayaahs degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo lagu wado in isla maanta lagu aasko Muqdisho marxuum Abuukar Xuseen sida ay sheegeen eheleda marxuumkasi.
Dilalka lagu kaco maamulada ka jira magaalada Muqdisho ayaa u muuqda kuwa isa soo taraya tan iyo markii uu dhawaamaday dagaalkii magalada Muqdisho ka dhacay, iyadoo dilka saakay ay kooxo hubeysani ay kula kaceen uu noqonayo midkii afraad ee magaalada Muqdisho ka dhaca, iyadoo kol hore la dilay gudoomiyayashii Heliwaa, Howl-wadaag, Yaaqshiid iyo ku xigeenkii gudoomiyaha degmada Madiina ee gobolka Banadir, waxaana sidoo kale la isku dayay in laga taqaluso gudoomiyaha gobolkab Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho iyo waliba ku xigeenadiisa dhanka maamulka.
Dilka saakay loo geystay gudoomiyaha maamulka ee degmada Shibis ayaa ku soo beegmeysa xili ay xalay magalada Muqdisho ka dhaceenb qaraxyo iyo weeraro xoogan oo lagu kacay fariisimo ay leeyihiin ciidamada Ethiopia ee Muqdisho ku sugan.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!