Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Gudoomiyihii degmada heliwaa oo xalay Muqdisho lagu dilay

Published on: 2007-05-14 07:51:00

(SomaliNet) Gudoomiayaha degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir marxuum Cabdulaahi Shiiqoow ayaa xalay salaadii cisha kadib ay kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan ku dileen magaalada Muqdisho.

Kooxda dilka geystay oo baxsaday sida ay sheegeen dadka deegaan kuwasoo gaarayay labo nin oo ku hubeysnaa baastoolad kadibna dilay marxuumka oo sii galayay gurigiisa

Dilka loo geystay marxuum Cabdulaahi Shiiqoow oo ahaa gudomiayah degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa u muuqday inuu ahaamid qorsheysan, iyadoo ay dableeyda dilka u geystay marxuumka ay ku sugayeen guri hortiisa sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka oo wax yar kadib ku soo baxay marxuumka oo naf yar ay ku harsan tahay, laakiin u geeriyooday dhaawacadii ka soo gaaray xabadihii ay dableeydaaasi ku dhufteenmarkii la damcay in isbitaal loola cararo.

Arintani ayaa ka marqaati kaceyso inay wali ka jiraan Muqdisho dilal abaabulan, taasoo ka dhan ah masuuliyiinta maamulada gobolka Banaadir iyo kuwa dowlada federaalka ee Somalia, xili ay ciidamada dowlada federaalka ee Somalia ay howlgalo xoogan ka wadaan wadooyinka Muqdisho oo dhan.

Back to Category