Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Howlgal ciidamada dowlada saakay ay ka bilaabeen Tarabuunka

Published on: 2007-05-13 07:57:48

(SomaliNet) Ciidamada dowlada federaalka kmg-ka Somalia ayaa goor dhoweyd howl gal ka bilaabey agagaarka Tarabuunk ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa hakad geliyay isku socodka gaadiidka, iyaga oo joojiyay gaadiidka Bl-ka ah ee isaga kala gooshayay Siinaay iyo isgoyska km4 ee magaalada Muqdisho.

Wararka waxa ay leeyihiin ciidamada dowlada ayaa lagu wadaa in goor dhow ay baaris ka sameeyeen xaafadaha ku dhow dhow tarabuunka.

Warar kale ayaa sheegaya in ciidamadan ay fariisimo ka sameysan doonaan tarabuunka, si halkaasi looga koontaroolo dhaq-dhaqaaqyada deegaano ka tirsan degmada Hodan, isla mar ahaantaasina baaris loogu sameeyo gaadiidka maraya tarabuunka.

Talaabooyinkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo ciidamada dowlada federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ay maalmihii la soo dhaafAy howl galo ay amaanka ku sugayeen ka wadey qeybo magaalada Ka mid ah.

Back to Category