<|uganda_troops200703151.jpg| |left|>
(SomaliNet) Dekeda weyn ee magalada Muqdisho ayaa maanta gabi ahaanba la joojiyay shaqadii ka socotay, iyadoo la filayo inuu soo gaaro markab qalab meleteri u wada ciidamada Uganda ee ka tirsan kuwa midawga Africa ee Muqdisho ku sugan.
Sida ay sheegeen shaqaalaha ka howlaga deked Mqudisho waxaa maanta la filayaa inuu Muqdisho soo gaaro markab u raran ciidamada dalka Uganda ee Somalia jooga, waxaana gabi ahaanba laga bixiyay gudaha dekeda magaalada Muqdisho maraakiibtii gacansatada u rarneyd si uu markabka ugu soo xirto dekeda Mqudisho.
Amaanka deked weyn ee Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo goobaha ku dhow dhow dekeda la dhigay ciidamada dalka Ethiopia iyo kuwa dowlada federaalka ee Somalia si ay uga hortagaan hadii la isku dayo in la weeraro markabka u raran ciidamada Uganda ee Somalia jooga.
Waa markii ugu horeesay oo ay ciidamada Uganda dekeda magaalada Mqudisho qalab meleteri kala soo degaan tan iyo markii ay yimaadeen Somalia.
<|uganda_troops200703152.jpg| |center|>
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!