(SomaliNet) Ciidamada Uganda oo ka tirsan kuwa midawga Africa ee Somalia howlgalada ka wada ayaa maanta ku gubay magaalada Muqdisho gaar ahaan Xalane hub kala duwan oo shalay lagu wareejiyay ciidamada AMISOM ee Somalia jooga.
Captan Paddy Ukunda ayaa saxaafada u sheegay in hubka ay maanta ciidamada AMISOM gubeen oo ahaa walxaha qarxa oo ka koobnaa madaafiicda goobta, miinooyin, bambooyinka laga tuuro gacanta iyo hoobiyayaal, kuwaasoo lagu gubay labo god oo laga qoday barxada Xalane ee Muqdisho.
Paddy Ukunda ayaa sheegay in talaabadani ay wax weyn ka tareysa xaalada nabadgelyo ee magaalada Muqdisho, maadaama hubka laga keenay gudaha xaafadaha Muqdisho.
Dadka ku dhaqan Muqdisho ayaa si weyn u soo dhaweeyay dabargoynta lagu sameeyay hubka wax gumaada, kuwaasoo dhibaatooyin kala duwan ku hayay shacabka ku nool magaalada Muqdisho muddo aad u dheer.
Waa hubkii ugu horeeyay ee ciidamada AMISOM ay ku gubaan meel fagaaro ah tan iyo markii ay Somalia yimaadeen.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!