(SomaliNet) Wali waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubba hoose ka taagan wel welkii laga qabay in dagaal uu halkaasi ka qarxo, waxaana magaaladaasi ka socda abaabul dagaal oo xoogan.
Wararka laga helaya Kismaayo ayaa daboolka ka qaadaya in beelaha Mareexaan iyo Majeerteen ay qarka u saran yihiin in dagaal qaraar uu ku dhexmaro gudaha magaalada Kismaayo, iyadoo beelahaasi ay hataan wadaan abuubul dagaal oo ay ku doonayaan in dhinac walba ay u harto gacan ku heynta magaalada dekeda leh ee Kismaayo.
Ciidamo dheeraad ah oo ka kala yimid magaalooyin ay ka mid yihiin Baardheere iyo qeybo ka tirsan Jubbada dhexe ayaa sida wararku sheegayaan soo gaaraya labada dhinac ee isaga soo horjeeda magaalada Kismaayo, kuwaasoo isu jira in ka yar 28 K.M, waxayan dadka ku dhaqan deeganada hoos yimaada Kismaayo la soo dersay cabsi dagaal, iyadoo ifafaaluhu uu u muuqdo mid aad u kacsan.
Xaalada magaalada Kismaayo ayaa aad u kacsaneyd, iyadoo maal-mihii tagay ay ka jireen xiisado colaadeed oo sababikara in iska hor-imaad beeleed uu ka dhaco deegaano ka hoos yimaada magaalada Kismaayo ee xrunta gobolkaasi.
Wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo guryeynta ee dowlada federaalka ee Somalia ayaa horey u sheegay in wax maamul ah uusan ka jirin Kismaayo.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!