Skip to main content
  • President Abdikassim Salad Hassan
    Young Somali? Learn your history!
  • We are building your massive online library...
    Expect exciting new services too. Stay tuned...

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

ICRC oo diiday inay isaga baxdo gobolka Oganden

Published on: 2007-07-27 08:29:31

(SomaliNet) Guddiga caalamiga laanqeerta cas ee ICRC ayaa shalay dafirtay in ay iskaashi la sameeysay jabhadaha ka jira gobolka Ogaden ee dalka Ethiopia, waxayna sheegtay in haddii laga eryo gobolka ay tasai dhaawici doonto dadka rayidka ee u baahan.

ICRC oo fadhigeedu yahay dalka Swiss ayaa cambaareysay go’aanka ay qaateen madaxda ismaamulka gobolka ee dalka Ethiopia oo ku amrayey in hay’ada ay muddo 7 cisho ah uga baxdo gobolka ka dib markii ICRC ay halkaasi ka soo shaqeenaysay 12 sano.

Madaxa howlgalada ee hay’ada ICRC ee geeska Afrika Daniel Duvillard ayaa warbixin uu so saaray ku sheegay in dhamaan dhaqdhaqaaqyada ay hay’adu ka wado gudaha dalka Ethiopia loo sameyo si taxadar ku jiro oo waafaqsan madaxbanaanida. Waxa uu xusay in hay’adiisu ay u shaqeeyso si dhexdhexaad ah.

Waxa uu yiri “ICRC waxa ay si xoogan u diidan tahay eedeymaha loo soo jeediyey,”

Wadahadalo u dhaxeeyey mas’uuliyiinta ICRC, madaxda gobolka iyo xoogaga amaanka ayaa sii xumeyey qodobka ah in aan si qoto dheer looga wada-xaajoon arrimaha muranka dhaliyey ka hor inta aan la soo saarin amarka ah in hay’ada ay isaga guurto gobolka, sida uu sheegay Mr. Duvillard.

ICRC ayaa sheegtay in ay diyaar u ahay in arrimahan ay kala hadasho madaxda Ethiopia si ay u sii wado howlaha bani’aadnimo ee ay ka hayso gobolka halkaasoo ay geenayso 10 shaqaale ajanabi ah iyo 79 shaqaale muwaadaniin ah.

Jaamaca Axmed oo ah madaxweyne ku xigeenka ismaamulka Soomaalida ee Ethiopia ayaa sheegay in marka hore ay muhiim tahay in ICRC ay aqoonsato qaladka ay gashay ka hor inta aanay saraakiisha u ogolaan inay shaqadeeda ka sii wado halkaasi.

Afhayeen u hadlay dowlada gobolkeeda ayaa Arbacadii sheegay in dhowr jeer ICRC looga digay in ay joojiso ololaha xoogan ee ka soo horjeeda maamulka gobolka iyo taageerada qalab iyo mida lacageed ee ay siisay jabhada ONLF ee ay isku dayeysa inay qalqal geliso xasiloonida gobolka.

ICRC waxa ay sheegtay in howlaheeda bani’aadnimo ay fuliso si dhexdhexaad ah oo waafaqsan sharuucda u degsan hay’adaha samafalka.

Joojinta howlaha bani’aadnimo ee ICRC ka waday gobolka ayaa laga cabsi qabaa inay saameyn xoogan ku yeelato dadka ku tiirsanaa gargaarka hay’ada.

Back to Category