Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Iska hor-imaad ka dhacay Gal-galato

Published on: 2007-03-10 07:30:40

(SomaliNet) Wararka ka imaanaya deegaanka Gal-galato ee dhanka waqooyi ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu iska hor-imaad xoogan ku dhexmaray ciidam,ada dowlada federaalka ee Somalia oo fariisin ku leh agagaarka Gal-galo iyo maleeyshiyaad halkaasi ay isbaaro u tiilay.

Iska hor-imaadkaasi ayaan la sheegin wax qasare ah oo uu geystay, balse waxaa la sheegaya inuu socday inka badan ilaa iyo 20 daqiiqo sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka Gal-galato oo qadka teleefanka ugu waramayay Somalinet.

Masuul u hadlay ciidamada dowlada federaalka Somalia ayaa sheegay in weerar ay qaadeen ciidamada dowlada federaalka, kuwaasoo meesha ka saaray koox dableey ah oo dadka iyo gaadiidka waxyeelo u geysan jirtay waa sida uu hadalka u dhigaye, wuxuuna tilmaamay in ciidamada dowlada federaalka aysan marna raali ka noqon doonin in dadka shacabk ah la dhaco.

Dhawaaqa rasaasta ee labada dhinac ay isku adeegsadeen ayaa laga maqlayay qeybo badan oo ka tirsan Muqdisho, taasoo dadka qaarkiis cabsi ku abuurtay.

Ma ahan markii ugu horeeysay ee ay dowlada federaalka ee Somalia ay isbaarooyin ka qaado wadada isku xirta Muqdisho iyo Ceel-macaan.

Back to Category