Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Iska hor-imaad ka dhacay Warmaxan

Published on: 2007-05-24 08:06:41

(SomaliNet) Labo ka tirsan ciidamada dowlada federaalka Somalia ayaa ku geeriyootay, iyadoo tiro intaasi ka badana uu dhaawac ka soo gaaray kadib markii uu iska hor-imaad dhexmaray ciidamada dowlada federaalka Somalia ee ku sugan deegaanka Warmaxan iyo kooxo maleeyshiye ah oo soo xirtay dresska ciidamada dowlada.

Wararka ka imaanaya deegaankaasi ayaa sheegaya in wali ay labada dhinac isku hor fadhiyaan halkii uu iska hor-imaadku ku dhexmaray, iyadoo maamulka degmada Wanle-weyn ay ka hadleen dagaalka ka dhacay deegaankaasi, taasoo ay ku tilmaameen in ciidamada dowlada ee deegaankaasi ay soo weerareen kooxo soo xirtay dresska ciidamada dowlada, waxayna maamulka deegaankaasi cadeeyeen in kooxdii soo weerartay ciidamada dowlada ee deegaankaasi laga furtay hubka nuucyadiisa kala duwan sida uu sheegay ku xigeenka gudoomiayaha maamulka ee degmada Wanle-weyn ee gobolka Shabeelada hoose md Xuseen Sheekh oo saxaafada la hadlayay.

Ma jiraan wax war ah oo ilaa iyo hadda ka soo baxay maamulka gobolka Shabeelada hoose ee la xiriira iska hor-imaadka ka dhacay deegaanka Warmaxan ee degmada Wanle-weyn ee gobolka Shabeelada hoose xili ay deegaankaasi ku sii badanayaan kooxaha burcada ah ee dhaca iyo dilka u geysta dadka ku safra wadooyika ku yaalo gobolkaasi.

Back to Category