(SomaliNet) Hal qof ayaaku geeriyooday, iyadoo uu ruux kalena uu dhaawac ka soo gaaray kadib markii koox beeraley ah iyo ciidamada maamulka gobolka shabeelada dhexe uu iska hor-iaamaad ku dhexmaray deegaanka Shalaanbood ee gobolka Shabeelada dhexe.
Nuuriye Cali Faarax ooka mid ah saraakiisha ciidamada ee gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegay in arintaasi ay ku dhacday si qaldan, isla markaana uu raaligalin ka bixinayo sida ay wax u dhaceen taasoo uu sheegay inay ku timid si kama ah,loona baahneyn inay mar kale dib u soo laabato arimaha ceynkaas ah oo kale.
Iska hor-imaadkaana ayaa ka dambeeyay kadibmarkii ay ciidamada maamulka gobolka oo baacsanaya kooxo burcad ah iyo maleeyshiyaadka ka tirsan kuwa deegaanka ay si qaldan isugu dhaceen, waxayna taasi sababtay dhimashada halka ruuxa iyo dhaawaca soo gaaray qof kale.
Waa markii ugu horeeysay ee iska hor-imaad uu kadhaco deegaanka Shalaanbood ee gobolka Shabeelada hoose tan iyo markii ay dowlada federaalka ee Somalia ay la wareegtay maamulka gobolkaasi, iyadoo ay wadooyinka qaar ee gobolkaasi ay kooxo burcad ay dadka safarka ay dhac iyo dilba u geystaan mararka qaar, taasoo ay gaadiidleeyda gobolkaasi ka shaqeynsa aydhowr jer oo hore ay maamulka gobolkaasi ka codsadeen in wax laga qabto xaalada halkaasi ka taagan.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!