(SomaliNet) Ugu yaraan 3 ruux ayaa ku geeriyootay inta la hubo, iyadoo tiro intaasi ka badan uu dhaawac ka soo gaaray kadib markii xalay saqdii dhexe uu iska hor-imaad xoogani k a dhacay magaalada Muqdisho.
Iska hor-imaadkaasi ayaa u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowlada federaalka ee Somalia iyo kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan, iyadoo labada dhinacba ay isticmaalayeen hubka waaweyn iyo midka yar yar.
Taliyaha ciidamada booliska ee gobolka Banaadir G/sare Cali Saciid ayaa qiray inuu iro dhimashada mid kamid ah ciidamada booliska Somalia, wuxuuna sheegay in weerar gaadmo ah lagu soo qaday fariisin ay ciidamada booliska ku leeyihiin agagaarka Tarabuunka ee Muqdisho.
Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ee weerarka ku qaaday fariisimada ciidamada dowlada ay sidoo kale weerar kaas la mid ah ay ku qaadeen fariisin ay ciidamada Ethiopia ay ku leeyihiin goob u dhaw halka ay weerarka ku qaadeen.
Iska hor-imaadkii xalay ayaa lagu tilmaamaikaraa inuu yahay midkii ugu xooganaa ee magaalada Muqdisho ka dhaca tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii dhawaan ka dhacay Muqdisho, iyadoo labada dhinacba ay adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.
Sidoo kale waxaa isla xalay Muqdisho ka dhaay qarax xoogan, laakiin aan geysan wax qasaare ah, waxaana la sheegayaa in ciidamada booliska ee saldhiga Howl-wadaag ay qarxiyeen bam la soo dhigay goob u dhowq saldhiga degmada Howl-wadaag, laakiin ay boolisku ka war heleen in bam la soo dhigay goobtaasi kadibna ay ku guuleysteen inay qarxiyaan si nabadgelyo ah sida ay Somalinet u sheegeen dadka deegaankaasi ku dhaqan.
Xaaladaha amaan ee magaalada Muqdisho ayaa faraha ka sii baxaya kadib markii maal-mihii la soodhaafay ay sii kordhayeen qaraxyada iyo weerarada gaadmada ah ee lala beegsanaya ciidamada dowlada Somalia iyokuwa Ethiopia ee Muqdisho kusugan, waxayna dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ay xaaladani ku beertay wel wel iyo cabsi xoogan, iyaga oo ka baqanaya in mar kale ay soo laabtaan dagaalo kale oo magaalada ka dhaca.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!