Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Iska horimaad ka dhacay nawaaxiga Biye-Cadde

Published on: 2007-05-16 07:35:00

(SomaliNet) Lix qof ayaa ku geeriyootay 4 kalana dhaawacyo ayaa ka so gaaray ka dib markii ay kala shakiyeen kolonyo uu la socday Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Shabeelada dhexe Maxamed Cumar Deelle iyo koox maleeshiyo dhufeys ugu jirtay koox kale oo uu dagaal kala dhaxeeyay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegayo in Tuula Biya Cadde oo ka tirsan Gobalka Sh/dhexe in maleeshiyaad ka mid ah kuwii dhawaan ku dagaalamay tuuladaasi ay wadada u galeen Kolonyada mas\'uuliyiinta Gobalka islamarkaana ay si bareer ah rasaas ula beegsadeen .

Iska hor imaadka ayaa rasaas xooga la isweydaarsaday mudo daqiiqado kadibna waxaa la xaqiijinayaa in ugu yaraan 6-qof ay isla goobta ku geeriyoodeen oo ayrasaastii la isweydaasanayay ay haleeshay, halka 4 kalana dhaawac uu kasoo gaaray, sida ay xaqiijiyeen mas\'uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka.

Mid ka mid ah Maamulka gobolka ayaa saxaafada u sheegay in la la\'yahay 8-ka mid ah Ciidamada Maamulka iyo 2-wariye oo la kala yiraahdo Axmed Xasan Mahad iyo Abshir Cali Gabre oo magaalada Jowhar uga soo warami jiray mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ku yaala, laakiin markii dambe la soo xaqiijyay geeriyda 2DA suxufiyiin.

Meelihii uu xalay ka dhacay iska hor imaadka ayaa hada degan, waxaana mas\'uuliyiinta Maamulka Gobalka Sh/dhexe ay saakay tuulada Biya Cadde kasii wadan doonaan socdaalkiidii ay halkaasi u aadeen kadib markii ay is aqoonsadeen ciidamada maamulka gobolka iyo maleeyshiye beeleedkii halkaasi dhufeyska uga jiray.

Waa weerarkii ugu horeeyay ee lagu qaado kolonyo uu la socday gudoomiyaha cusub ee maamulka Shabeelada dhexe md Deel oo dhawaan la wareegauy xilka gobolkaasi.

Back to Category