(SomaliNet) Wareegto ka soo baxday xaafiiska ra’iisulw asaaraha dowlada federaalka ee Somalia md Cali Maxamed Geeddi ayaa lagu sheeegay in isku shaandheyn lagu sameeyay qaar ka mid ah wasaaradaha, iyadoo xilal ay hayeenw asiirada qaar ay ku waayeen isku shaandheyntaasi, halka wasiirona wasaaradahoodii laga wareejiyay.
Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo hore u ahaa wasiirka arimaha dibada iyo iskashiga caalamiga ayaa loo magacaabay wasraada waxbarashada ee dowlada federaalka ee Somalia, iyadoo wasiirkani ay horey ra’iisul wasaaraha ay xurguf ugala dhaxeeysay.
Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa loo magacabay wasaarada arimaha dibada, iyadoo uu horey u hayay xilka wasaarada qorsheynta iyo tiro koobka, waxaana sidoo kale loo magaacabay wasaarada qorsheynta iyo tiro koobka Cali Cabdulaahi Cosoble oo aan horey golaha wasiirada uga mid aheyn, iyadoo wasiirkii waxbarashada md Cabdiraxmaan cabdi Waare gabi ahaanba xilkiisii uu ku waayay isku shaan dheyntaan cusub, laakiin dadka intiisa badan ayay waxay la yaaban yihiiniyadoo liiska isku shaan dheynta aan lagu arag md Xuseen Maxamed Caydiid oo ka mid ah golaha wasiirada, isla markaana haatan ku sugan magaalada Casmara ee dalka Eretria, halkaasoo uu kaga dhawaaqay in dowlada Ethiopia ay ku kacday xasuuq ka dhan ah bani’aadanimada, hadalkasoo ay dad badan la yaabeen.
Isku shaan dheyntaan cusub ayaa ku soo beegmeysa xili ay xalay dagaalo culus ka dhaceen magaalada Muqdisho, lama oga waxa ay wqasiirada la magacabay iyo kuwa xilalkooda laga qaaday ay soo kor dhinayaan.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!