Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Isku socodka gaadiidka B.L-ka oo yaraaday

Published on: 2007-03-14 08:43:23

(SomaliNet) Qeybo badan oo ka mid ah boosteejeeyinka laga raaco gaadiidka B.L-ka ee isaga kala goosha magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu arkayay dadweyne aad u fara badan iyo ardayda dugsiyada wax ka barato Muqdisho oo dhooban, kuwaasoo si weyn u sugaya gaadiidka ay helaan.

Gaadiidka isaga kala goosha wadada isku xirta K.M.4 iyo Siinaay ayaa maanta gabaabsi ahaa kadib markii gaadiid yari ay ka dilaacday Muqdisho, waxaana dad xog-ogaal u ah arimaha la xiriira gaadiidka la\'aanta ay sheegeen in kala dhac gaadiid ay sabab u tahay in la waayo gaadiidkii B.L-ka ahaa ee wadadaasi ka howl-gali jiray.

Dhaca loo geysto gaadiidka B.L-ka ah ayaa mudooyinkii ugu dambeysay ku soo kordhayay magaalada Muqdisho tan iyo markii ay dowlada federaalka ee Somalia oo gacan ka helay ciidamada Ethiopia ay soo gaareen magaalada caasimda ah ee Muqdisho, waxaana loo aaneynayaa taag darada dowlada ka heysto sugida xagga amaanka ee magaalada Muqdisho inuu sabab u yahay dhaca gaadiidka oo inta badan la rumeysan yahay inuu bilaaw u noqdo dagaalo ka dhex qarxa beelaha Muqdisho ku nool.

Xiliyada habeenkii ayaa Muqdisho waxaa caadi ka noqday gadiidka la\'aan xoogan oo ka jirta, iyadoo dadka ku dhaawacmo madaafiicda xitaa loo waayo gadiidka lagu geeyo isbitaalada Muqdisho qaarkood, kuwaasoo ka baqanaya abnidarada magaalada ka jirta.

Back to Category