Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Kaalmo lagu qaybiyey Baydhabo iyo dekeda Ceelmacaan

Published on: 2007-05-16 08:56:54

<|mogadishu200705161.jpg| |left|>
(SomaliNet) Golaha Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed oo deeq ku qaybiyey magaalada Baydhabo iyo deegaanka dekadda dabiiciga ah ee Ceelmacaan 13/05/2007

Golaha Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed wuxuu deeq raashin ah oo ka kooban Bariis iyo Saliid ka qaybiyey Magaalada Baydhabo wuxuuna raashinkaas ka koobnaa sida hoos ku qoran:-

1. Galey 550 Loor
2. Digir 367 Loor
3. Saliid 184 Kartoon


Wuxuuna Goluhu gaarsiiyey dad qaxooti ah oo ka soo barakacay dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdhsho, kuwaas oo degan duleedka magaalada Baydhabo, waxaa ka faa\'iideystay raashinkaas ilaa 1,500 qoys.

Sidoo kale goluhu wuxuu gaarsiiyey dadkii u barakacay degaanka Ceelmacaan ee ku yaala duleedka magaalada Muqdisho waxeyna ka koobneyd deeqdaas raashin

ah sida hoos ku qoran:-

1. Bariis 50 Loor
2. Saliid 160 Kartoon


Waxaana loogu talo galay deeqdaasi in ay ka faa\'iideystay ilaa 1,100 qoys oo ku nool deeegaankaas,

kharajka ku baxay deeqdaas waxaa ku tabarucay jaaliyadda soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Denmark ee kupanhegan

Mahad celin

Golaha Samafalka & Horumarinta Soomaaliyeed wuxuu u mahad celinayaa dhammaan dadkii ku tabarrucay deeqdan,wuxuuna balanqaadayaa ( Inshaa alaahu ) in uu u gaarsiiyo deeqdan dadkii loogu talagalay sida ugu haboon uguna dhaqsiyaha badan .

Kharashka ku baxay deeqdaas wuxuu ka yimid Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool DENMAR caasimadiisa KOBANHEEGAN,

Warbixin ku saabsan qaabka loo gaarsiiyey deeqdaas raashinka ah dadka dhibaataysan waxaad kala socon kartaan boggeena oo ah www.samafale.com



Waxaana kaalmadiina ku soo hagaajin kartaan accounada Golaha ee kala ah : -

No Magaca shirkadda Account Number
1 Qaran Express 117
2 Dhabashiil Bank 2283
3 Amal Bank 11073
4 Global Money Transfer 21042
5 Tawakal Bank 309
6 Mustaqbal Bank 22315

<|mogadishu200705162.jpg| |center|><|mogadishu200705163.jpg| |center|>

Back to Category