Skip to main content
  • President Abdikassim Salad Hassan
    Young Somali? Learn your history!
  • We are building your massive online library...
    Expect exciting new services too. Stay tuned...

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Kenya oo ogolaatay in samafalka loo gudbiyo Soomaaliya

Published on: 2007-07-24 08:54:16

(SomaliNet) Dowlada wadanka Kenya ayaa qaaday xayiraadii ay saartay in hay\'adaha samafalka ee caalamka ay gargaarka ka gudbiyaan xadkeeda oo ay u geeyaan dalka ay dagaaladu kala gooyeen ee Soomaaliya.

Taliyaha booliska gobolka waqooyi-bari ee dalka Kenya Antony Kibuchi ayaa sheegay in ururada samafalka loo ogolaaday inay u talaabaan Soomaaliya oo ay geeyaan raashinka meelaha loogu tala-galay.

Kibuchi ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa\'id oo shalay ku qabtay Garissa isagoo intaa ku daray in xaduudaha Liboi iyo Mandera laga gudbin karo raashinka.

Hase ahaatee waxa uu ka digay in xadka Kenya ay la wadaagto Somalia uu weli xiran yahay oo amaankana la adkeeyey.

Bil ka hor ayaa in ka badan boqol gawaarida xamuulka oo sida raashin samafal ah u soo gudbeen Soomaaliya, kuwasoo mudo ku xayirnaa xaduuda Mandera.

Dhinaca kale, ilaa 33 socoto sharci daro oo Soomaali ah ayaa booliska Kenya ay ku qabteen wadada u dhaxeysa Garissa iyo Nairobi.

Mr Kibuchi waxa uu sheegay in dadkaasi ay ku xiran yihiin saldhiga booliska ee magaalada Garissa, isla markaana la soo taagi doono maxkamad.

Boolisku waxa ay xireen darawalkii waday dadkaasi, iyagoo sidoo kale la wareegay baskiisa.

Kenya ayaa aad u adkeysay amaanka soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya ka dib markii la waayey oo la dilay laba ka mida booliskeeda.

Back to Category