Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Kulan dhexmaray Miles iyo Al-Axmed Al Sabaax

Published on: 2007-05-13 08:00:03

(SomaliNet) Sida ay shaacisay wakaalada wararka ee dalka Kuwait ee KUNA waxaa kulan ku yeeshan dalka Kuwait ra\'iisul wasaarayaasha dalalka kuwait iyo Ethiopia Sheekh Naasir Maxamed Al Axmed Al Sabaax iyo Miles Zanawi oo booqasho labo maalmood ah ku joga dalkaasi Kuwait.

Kulanka labada masuul ee ku aadan arimaha dalka Somalia ayaa la iskula soo qaaday qaabka ugu haboon ee dalka Somalia nabad iyo xasilooni loogu soo dabaali lahaa.

Wakaalada wararka ee KUNA oo soo xigneysay sarkaal sare oo ka tirsan wadanka Kuwait ayaa sheegtay in labada masuul ay isla qireen baahida loo qabo in dalka Somalia nabad iyo xasilooni lagu soo dabaalo, iyagoo sidoo kale masuuliyiintaasi isla soo qaaday in loo baahan yahay in si nabad ah lagu xaliy qaab nabadeed qilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan dalalka Africa ku yaalo.

Dhanka kale waxay dowladaha Kuwait iyo Ethiopia ay isla soo qaadeen iskaashi ay ka yeeshaan dhinacyada dalxiiska, la dagaalanka argagixisada iyo dhanka dhaqaalaha oo ay labadasi dal ay yeeshaan.

Waa markii ugu horeeysay ee dalalka Ethiopia iyo kuwait at arimaha dalka Somalia ka wadahadlaan tan iyo markii ay faragalinta ku sameeyeen ciidamada Ethiopia gudaha dalka Somalia, iyadoo dalka Kuwait uu ka mid ahaa dalalkii sida weyn u taageerayay midawgii maxkamadaha islaamka Somalia ee awooda ay Ethiopia wiiqday.

Back to Category