Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Kulan dhexmaray dowlada iyo saxaafada madexa banaan

Published on: 2007-02-23 07:28:14

(SomaliNet) Masuuliyiin ka tirsan dowlada federaalka Somalia iyo madexda warbaahinta madexa banaan ee magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan looga hadlayay waxyaabaha ay kala tabanayaan labada dhinac ku yeeshay hotel Ambassador ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka arimaha gudaha ee dowlada Somalia md Gacmo-Dheere oo ugu horeyntii halkaasi ka hadlay ayaa tilmamaay sida uu uga xun yahay in saxaafada ay si aad ah u buun buuniso waxyaabaha ka dhaca magaalada Muqdisho sida qaraxyada iyo qaxa dadka shacabka ah ee Muqdisho ku dhaqan, inkastoo uu wasiirku xusay inuu ka xun yahay wax ka dhacaya gudaha magaalada Muqdisho hadana waxaad moodey inuu wasiirku aad u cadeynayay hanaanka saxaafada madexa banaan ee Muqdsiho iyo qaabka ay u tabiyaan wararka ka dhaca Muqdisho.

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka hadlay masuul kale oo ka tirsan dowlada federaalka ee Somalia, kuwaasoo diirada saarayay sida saxaafada laga doonayo inay shaqadoodu noqoto, waxayna inta badan masuuliyiintu ka hadlayeen in saxaafadu ay ka shaqeyso isu keenida shacabka soomaaliyeed ee waqtiga badan ku soo dhex jiray dagaalada sokeeye ee dalka ka dhacay.

Waxaa sidoo kale la filayaa in maal-maha soo socda ay kulamo kale dhexmaraan dowlada Somalia iyo madexda saxaafada madexa banaan ee magaalada Muqdisho taasoo lagu gorfeyn doono wada shaqeyn dhexmarta dowlada federaalka ee Somalia maamulada warbaahineed ee Muqdisho ka jira.

Back to Category