Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Kulan dhexmaray gudoomiyaha baarlamanka iyo ra\'iisul wasaaraha

Published on: 2007-03-05 09:12:29

(SomaliNet) Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta K.M.G ah ee dowlada Somalia kulan albaabada u xiran yihiin ku yeeshay gudoomiyaha cusub ee golaha baarlamaanka Somalia md Sheekh Maxamed Nuur ( Sheekh Aadan Madoobe) iyo ra\'iisul wasaaraha Somalia Prof, Cali Maxamed Geedi)

Masuuliyiintaasi ayaa lagu soo waramayaa inay ka wadahadleen qaabkii loo sugi lahaa nabadgelyada caasimada Somalia ee Muqdisho iyo sida ugu haboon ee loola shaqeyn lahaa ciidamada midawga Africa ee Somalia ku soo food leh, maadaama ay dowlada Somalia horey ugu baaqday in 16ka bisha April Muqdisho lagu qabto shirka dib u heshiisiinta ee Somalia.

Masuuliyiintaasi ayaa la sheegay inay sidoo kale isku soo qaadeen xaalada guud ee dalka Somalia iyoi isbedelka dalka ka dhacay, waxaana la sheegay inay isku raaceen in si wadajir ah loogu guntado meel marinta axdiga K.M.G ah ee dalka u yaalo sidii looga hortagi lahaa wax kasta oo dhibaato u keenikaraa shacabka soomaaliyeed.

Magaalada Muqdisho ayaa ah meesha ugu amaandarada xun ee Somalia, iyadoo ay dowlada federaalka ee Somalia ay horey ugu baaqday in shirka dib u heshiisiinta lagu qabto Muqdisho, taasoo ay dad badan ku tilmaameen inay tahay mid aan suuroobikarin inat ay kooxaha hubeysay ay dalka joogaan.

Back to Category