(SomaliNet) Hogaamiyayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye eek u lugta lahaa dagaaladii dhawaan ka dhacay Muqdisho ayaa lagu wadaa inay manta kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho.
Kulanka maanta ay gudiga beelaha Hawiye ku yeelanayaan Muqdisho ayaa looga gol leeyahay in lagu soo afjaro qilaafaadyo yar yar oo horey u soo kala dhexgalay iyo qaabkii uu gudigaasi u wajahi lahaa geedi socodka nabada dalka Somalia, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in gudiga uu dhawaan kulan la yeelan doono gudoomiyaha shirka dib u heshiisiinta qaran md Cali Mahdi Maxamed.
Gudoomiyaha gudiga beelaha Hawiye nabadoon Xaaji Cabdi Iimaan ayaa saxaafada u sheegay in kulankaan lagu doonayo in meel qura la isugu keeno danaha beesha Hawiye, isla markaana uu gudigu u wajihi lahaa hal nad oo kaliyah, wuxuuna Xaajigu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in la helo hal hdaf oo qura.
Horey ayaa beelaha Hawiye uu qilaaf dhanka fekerka u soo kala dhexgalay kadib markii xubno ka tirsan gudigasi ay kulan gaar ah la qaateen madaxweynaha dowlaad federaalka ee Somalia md Cabdulaahi Yuusuf Axmed, laakiin fadhi hore oo ay yeesheen gudiga beelaha Hawiye ayaa looga dooday dhameynta qilaafaadkaasi ka dhex oogmay gudiga, wuxuuna kulanka maanta uu noqonayaa midkii 2aad ee lagu doonayay in lagu soo afmeero qilaadka ka oogmay gudiga sida uu sheegay gudoomiyaha gudiga beelaha Hawiye nabadoon Xaaji Cabdi Iimaan.
Wixii kulankaasi la soo baxa kala soco Somalinet hadii ilaah idmo.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!