(SomaliNet) Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaar ah ee dowladda somalia ayaa sheegaya in halkaa ay maanta kulan xasaasi ah ay ku yeesheen masuuliyiinta ugu sarreysa dowladda federaalka somalia.
kulan ay isagu yimaadeen madaxweynaha dowladda federaalka somalia, guddoomiyaha golaha baarlamaanka, iyo ra\'iisul wasaaraha somalia oo mid iradaha ulaaban yahay ayaa lagu soo waramayaa in kulankaas mas\'uuliyiinta kaga wada xaajoonayeen qaabkii wax looga qaban lahaa ammaanka caasimadda somalia ee Muqdisho ka hor inta aan la gaarin qabashada shirka lagu madlan yayahay ee shirweynaha qaran.
sidoo kale kulankaas ayaa lagu soo waramayaa in masuuliyiinta ay isku soo qaadeen qaabka qabsoomidda shirweynaha qaran ee lagu wado inuu dhaco bartamaha bisha soo socoto ee April,inkastoo ay jiraan hogaamiyeel siyaasadeed iyo kuwo dhaqan oo si weyn uga biyo diidsan qaabka ay dowladu ay u agaasimeyso shirweynahaas qaran, taaso ay dowladuu damacsan tahay ineey kaga gudubto culeyska beesha caalamka ay ku saartey qabsoomiadda shirkaas.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!