Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Labo askari oo lagu dilay K.M.4.

Published on: 2007-03-07 07:38:45

(SomaliNet) Abaarihii maanta duhurkii ayaa labo nin oo la sheegay inay ka mid yihiin ciidamada dowlada toogasho loogu geystay isgoyska K.M.4 ee magaalada Muqdisho.

Dilka raggaasi la sheegay inay kamid ahaayeen ciidamada dowlada federaalka ee Somalia ayaan la ogeyn koox ka dambeeysay, iyadoo dad goob joogayaal ah ay Somalinet u sheegeen in hubkii ay siteen ciidankaasi laga qaaday kadib markii ay geeriyoodeen.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowlada federaalka ee Somalia ee ku saabsan dilka maanta loogu geystay labo askari oo ka mid ah ciidamada dowlada federaalka ee Somalia.

Maal-mahaan dambe xaalada amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa fara ka sii baxeysay, iyadoo dilalka loo geysanayo saraakiisha iyo ciidamada dowlada ay sii kordhayaan, mana jirto wax talaabo ah oo ay dowlada ka qaaday dilalka isdaba jooga ee lala beegsanayo qeybaha muhiimka u ah bulshada.

Back to Category