Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Maamulka Banadir oo kormeeray qaybo kamida Muqdishu

Published on: 2007-05-31 07:15:18

(SomaliNet) Maamulka gobolkab Banaadir iyo madax ka tirsan ciidamada Ethiopia oo booqasho ku aray qeybo ka tirsan Muqdisho.


Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magalada Muqdisho md Maxamed Cumar Xabeebb (Maxamed Dheere) Taliyaha ciidamada booliska soomaaliyeed Col, Cabdi Xasan Cawaale ( Qeybdiid)b iyo masuuliyiin ka tirsan ciidamada dowlada Ethiopia ayaa manta kormer ku soo kala bixiyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Masuuliyiintaan ayaa kuurgaliyay qaabkab nabadgelyo ee degmooyinkia gobolka Banaadir,b iyagoo ugu baaqayb dhamaan masuuliyiinta degmooyinka gobolka Banaadir inay ka hor tagaan wax kasta oo nabada wax u dhimaya.

Maxamed Cumar Xabeeb gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in masuuliyiinta degmooyinka ay gacanta ku qabtaan kuwa qaraxyada ka geysanaya gobolka Banaadir, isagoo sheegay in hadii ay sidaasi yeeli waayeen la bedelib doono gudoomiyayasha degmooyinka gobolka.

Sidoo kale waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah masuuliyiinta xagga amaanka, kuwaasoo kula dardaarmay in la sugo amaanka Muqdisho oo maal-=mihii tagay ay ka jireen dhibaatooyinka xagga maandaro ah.

Waa talabaadi ugu horeeysay ee ay maamulka gobolka, ciidamada booliska Somalia iyo waliba ciidamada Ethiopia ee kormeer ku sameeyaan qeybo ka tirsan Muqdisho.

Back to Category