Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Maclimiin shisheeye oo Muqdishu lagu xiray

Published on: 2007-07-14 09:25:50

(SomaliNet) Saddex macalin oo ajaanib ah ayaa maanta lagu xiray caasimada Muqdishu, kuwasoo lagu xiriirshey waxa ay dowlada ugu yeerto ‘kooxaha argagixisada’ ka dib markii ciidamada amaanka ee dowlada KMG ay xoog ku galeen machad waxbarasho oo la yiraahdo SIMAD oo ku yaalla wadada Warshadaha ee waqooyiga Muqdishu.

Yuusuf Macalin oo ka mida maamulayaasha machadka ayaa u sheegay Somalinet in askar aad u hubeysan ay saakey soo weerareen dugsiga ayna la baxeen laba macalin oo Ugandese ah iyo mid Kenyan ah, kuwaasoo ku jiray fasaladooda.

“askarta ayaa noo timid oo noo sheegtay iany doonayaan inay machadka ka baarayaan hub, waxa ay galeen dhamaan qolalka dugsiga laakiin waxaan naxnay markii ay kaxeysteen saddex ka mida macalimiinta ajaanibka ah ee nala jooga,” ayuu yiri Macalim.

Wax yar ka dib markii askartu ay tageen ayaa maamulaha SIMAD waxa uu la xiriiray Paddy Ankunda, afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee jooga Muqdishu, isagooo kala hadlay xariga macalimtiinta shisheeye.

Warkan ayaa yimid iyadoo tiro aad u badan oo ciidamo Ethiopian ah la dhigay wadooyinka caasimada, kuwaasoo joojinaya isla markaana baaraya baabuurta.

Askarta ayaa sidoo kale waxa ay qaateen qoryo machadku lahaa oo horey u diiwaan gashanaa.

Weli ma cadda sababta ciidamada dowlada ay u xireen macalimiinta ajaanibka ah laakiin waxaa la sheegay in tuhun uu soo galay ragaasi.

Koleejyada, machadyada iyo jaamacadaha Muqdishu ayaa soo kireystay macalimiin shisheeye laakiin badi macalimiintaasi ayaa dalka isaga baxay ka hor iyo ka dib markii dalka laga saaray maxaakimtii Islaamiga, kuwaasoo dalka soo xukumayey mudo lix bilood ah.

Dhinaca kale dadka Muqdishu ayaa maalintii saddexaad ka qaxaya guryahooda cabsi ay ka qabaan in rabshadaha ay sii xoogeystaan iyadoo kulanka Axadana ay saacado ka harsan yihiin qabsoomidiisa.

Back to Category