Skip to main content
  • President Abdikassim Salad Hassan
    Young Somali? Learn your history!
  • We are building your massive online library...
    Expect exciting new services too. Stay tuned...

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Madaxweynaha Soomaaliya oo arrimaha kala hadlay madaxweynaha Puntland

Published on: 2007-07-28 17:27:17

(SomaliNet) Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa hadda booqasho ku jooga maamulka goboleedka Puntland ee waqooyi bari Soomaaliya halkaasoo wada-hadal uu kula yeeshay madaxda maamulkaasi.

Madaxweyne Yuusuf oo isagu gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa la kulmay madaxweynaha Puntland Cadde Muuse Xersi oo uu kala hadlay arrimaha amaanka gobolka.

Ka dib kulan xasaasi ah uu la yeeshay mas’uuliyiinta gobolka ayaa Mr. Yuusuf waxa uu u sheegay suxufiyiinta in dowlada KMG ay wayaabo badan wadaagaan Puntland.

Madaxweyne Cadde Muuse ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay gacan ka siiso dowlada KMG sugida amaanka iyo deganaanshiyaha iyadoo kumaan kun oo ciidamo ka socda Puntland ay horey ugu biireen dowlada KMG si ay u daafacaan jiritaankeeda.

Madaxweyne Yuusuf oo ka soo jeeda gobolada Puntland ayaa amaanay doorkii ay Puntland ay ka qaadatay taageerada dowlada KMG.

Booqashada madaxweynaha Soomaaliya ee Puntland ayaa ujeedadeedu ahaa la soo afjaro mushaakilka xaga dhaqaalaha ee hareereeyey gobolka iyadoo Puntland ay maalmahan uu ka dhacay sicir barar xaga nolosha ah sababo la xiriira lacagaha la soo daabacay.

Waa booqashadii labaad oo rasmiya oo madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago Puntland ilaa markii dowlada KMG ay timid Muqdishu dabayaaqadii bishii December ee sandkii hore 2006-dii ka dib markii la saaray maxaakimtii Islaamiga.

Back to Category