Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Madaxweynaha Uganda oo ka hadlaya arimaha dalka Somalia

Published on: 2007-06-08 07:18:21

(SomaliNet) Madaxweyanaha dalka Uganda Yuweri Musafeni ayaa sheegay in dowlada Uganda ay aaminsan tahay in xaalada dalka Somalia ay ka wanaagsan tahay sidii ay markii hore aheyd.

Musafeni oo la hadlaya baarlamaanka Uganda ayaa tilmaamay in ciidamada Uganda ee Somalia jooga ay door wacan ka qaateen dib u soo celinta amaanka dalka Somalia, isagoo sheegay in soomaalidu ay u baahan tahay dib u heshiisiinta oo kaliyah.


Yuweri Musafeni wuxuu carababay in fekerkii uu dalka Somalia ciidamo ugu diray ay aheyd mid saxsan oo loo baahnaa in ciidamo loogu diro Somalia oo kale.

\"Fikradda saxda ah ee aan anigu u arko karo in Soomaaliya looga dhameeyo dhibaatada waa in shacabka Soomaaliyeed ay shir yeeshaan kana wadahdlaan arrimahooda, wadahadalkuna uu ahaado mid daacad ah oo sababi kara in Soomaalidu ay gacmaha is qabsadaan\" ayuu shegay madexweyne Musafeni xubanaha ku jira baarlamaanka Uganda ee uu hadalka u jeedinayay.

\"Uganda waa Dowladda keliya ee Soomaaliya u dirtay cidammo gaaraya 1500-askari oo nabad ilaalin ah, waxaana dalalka ay ka mid yihiin: Malawi, Ghana, Brundi iyo Nigeria ayaa ka mid ahaa dalalka ballanqaaday ciidammo kale, balse weli ma dirin, waxaana la filayaa inay diraan dhawaan, waayo waxa loo baahan yahay waa 8000-askari oo nabad ilaaliyeyaal ah\" ayuu yiri Madaxweyne Musaveni oo jaro fiican ka muujiyay xaalada dalka Somalia.

Dalka Uganda ayaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay dalalka dowlada federaalka Somalia xiirka fiican la leh.

Back to Category