Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey baarlamaanka

Published on: 2007-03-12 09:02:12

(SomaliNet) Madaxweynaha dowlada federaalka ee Somalia md Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta qodbad ka jeediyay golaha baarlamaanka ee Somalia oo fadhi ku yeeshay magaalada Baydhabo ee xarunta K.M.G. ah ee dowlada federaalka ee Somalia ayaa talo ahan u soo jeediyay in xukuumada iyo madaxtooyada ay Muqdisho u guuraan.

Madaxweynuhu wuxuu xusay in marka laga reebo xubno kooban oo ka tirsan golaha wasiirada iyo madaxtooyada Somalia ay u guuri doonaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho si buu yiri ay dowlada halkaasi ugu shaqeynso, isla markaana amaanka ay dowladu wax uga qabato.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday shirka ay dowlada ku baaqday inuu bartamaha bisha soo socoto ee April lagu wado inuu Muqdisho ka dhaco, wuxuuna tilmaamay in doorka dowladu ee shirkaasi uu noqon doono sugida amaanka xubnaha ka qeybgalaya shirkaasi, dhaqaalaha ku baxaya iyo halka uu dhaqaalahaasi ku baxay, wuxuuna mar kale ku celiyay in shirkaasi ay hogaamin doonaan rag xilal kala duwan horey dalka uga soo qabtay, kuwaasoo uu sheegay inaysan hadda wax masuuliyad ah dalka ka heyn.

Dhanka kale ilaa 171 mudane oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa isku raacay in dowladu ay u guurto magaalada Muqdisho kulan maanta uu baarlamanku yeeshay magalada Baydhabo ee gobolka Bay, iyadoo ay kulankaasi ka soo qeybgaleen 190 mudane oo ka tirsan golaha baarlamaanka somalia.

Dad badan ayaa isweydiinaya bal inay dowladu ku shaqeynkarto magaalada Muqdisho iyo in kale, iyadoo laga wada warqabo xaalada amaanka ee magaalada Muqdisho ka jirta.

Back to Category