Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Madaxweynaha oo kulan la leh ganacsatada gobolka Banaadir

Published on: 2007-03-28 08:12:12

(SomaliNet) Madaxweynaha dowlada federeelka ee Somalia md Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta kulan ku leh xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia xubno ka tirsan midawga ganacsatada gobolka Banaadir.

Kulankaan oo ah mid uu albaabada u xiran yahay ayaan ilaa iyo hadda la ogeyn waxyaabaha ay labada dhinac uga wada hadlayaan, hase yeeshee warar ku dhow dhow madaxtooyada ayaa sheega in kulanka looga hadlay sidii ay ganacsatadu u taageeri lahaayeen barnamijyada dowlada ee dhinaca nabadeynta magaalada Muqdisho, iyadoo ganacsatadu ay madaxweynaha Somalia ka codsadeen in la qafiifo canshuuraha fara badan ee ay dowlada somalia ku soo rogtay dekedaha dalka qaar gaar ahaan mida Muqdisho oo an meesha ugu weyn ee ay midawga ganacsatada Muqdisho wax kala soo degaan, isla markaana ay wax ka dhoofiyaan.

Isu-imaatinka madaxweynaha iyo midawga ganacsatada gobolka Banaadir aaya noqonaya markii ugu horeeysay ee ay kulmaan atn iyo markii uu madaxweynuhu soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo madaxweynuhu uu sidoo kale shalay kulan la qaatay qaar ka mid ah hogaamiyayaashii dagaalka ee muqdisho, kuwaasoo uu kala hadlay qaabkii ay uga qeybgali lahaayeen nabad ku soo dabaalida Muqdisho oo maal-mihii tagay ay dagalo ku dhexmareen ciidamada dowlada federaalka ee Somalia iyo kooxo hubeysan oo an la garan heybtooda.

Back to Category