(SomaliNet)Madaxweynaha dalka Kenya ayaa maanta wadahadal la yeeshay madaxaweynaha dowlada KMG ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo booqasho ku tagay aqalka madaxtooyada Nairobi, sida ay sheegtay idaacada KBC.
Intii uu socday kulankaasi ayaa madaxweyne Yusuf waxa uu uga warbixiyey madaxweyne Kibaki arrimaha shirka dib u heshiisiinta ee ka bilowday Muqdishu 15-ki bishii hore ee July.
Shirka dib u heshiisiinta oo ah kii ugu horeeyey oo noociisa ah oo lagu qabto gudaha dalka ayaa loo arkaa inuu yahay hanaan nabadeed oo u yaboohaya dadka Soomaalida fursad ay kaga qeyb galayaan shirka dib u heshiisiinta isla markaana ay taageeraan natiijooyinka ka soo baxa shirkaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in wejiga koowaad ee shirkaasi oo lagu guulestay, diirada lagu saaray xalinta khilaafaadka beelaha, nabada iyo hubka dhigista.
Madaxweyne Yuusuf waxa uu intaa ku daray in wejiga labaad ee shirka, oo mar hore bilowday, looga hadli doono dib u dhiska qaranka iyo arrimaha siyaasada, waxaana ka mida buu yiri dowlad-wanaag, qeybsiga qeyraadka dalka iyo awood wadaagida, sida uu qabo axdiga KMG.
Waxa uu sheegay in wejiga labaad ee shirka looga hadli doono sidoo kale dhibaatada burcad badeeda, daryeelak qaxootiga iyo dadka ku barakacay gudaha dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu u mahad celiyey madaxweyne Kibaki taageerada wanaagsan ee uu siiyey dowlada KMG ee Soomaaliya iyo baadi goobka ay u gashay sidi nabad loogu soo celin lahaa gobolka geeska Afrika, isagoo sheegay in amaanka uu soo hagaagay.
Madaxweyne Kibaki waxa uu mar labaad dib ugu xaqiijiyey madaxweyne Yusuf in dowlada Kenya ay ka go’an tahay inay hubiso nabada gobolka, isagoo sheegay in Kenya aanay ku raxeysan doonin mirahii ka dhashay guulahii la gaaray afartii sano iyo barkii ee la soo dhaafay hadii nabad iyo deganaanshiyo la waayo wadamada deriska la ah Kenya.
Madaxweyne Kibaki waxa uu ku dhiiri-geliyey dadka Soomaalida inay soo dhoweeyaan wada xaajoodka mar kasta, iyadoo buu yiri shirkaasi uu yahay hab lagu xalin karo muranada.
Waxa uu sheegay in la joogo waqtigii dhinacyada dagaalamaya ee Soomaaliya ay fursad siiyaan nabada si xal loogu helo rayidka dhibaatoonaya.
Isha Warka: KBC
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!