Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Madaxweyne Yuusuf oo Kuwait ku sugan

Published on: 2007-03-04 08:18:13

<|kuwait200703041.jpg|Kuwait|left|>
(SomaliNet) Madaxweynaha dowlada federaalka ee Somalia md Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa haatan ku sugan dalka Kuwait ayaa kulamo la qaatay madaxda dalka Kuwait.

Kulanka dhexmaray madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf iyo madaxda dalka Kuwait ayaa la is kula soo qaaday xiriirka labada dalka ee Somalia iyo Kuwait iyo sidii ay dowlada Kuwait uga qeyb qaadan la heyd kaalmeynta dadka soomaaliyeed ee dhiibaatooyinka kala duwan ay la soo derseen mudadii uu dalka Somalai dowlad la\'aanta ahaa, isla markaana dagaalada sokeeye lagu guda jiray.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inay booqasho ku joogaan dalka Kuwait muda sadex cisho ah, iyagoo kadib uga soo dhaqaaqi doono dalka Qadar, halkaasoo ay casuumad kaga heleen madaxda dalkaasi.

Wafdiga madaxweynaha waxa ka mid ah wasiiro ka tirsan dowlada Somalia.

Back to Category