(SomaliNet) Degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelada hoose ayaa laga saaray maleeshiyooyinkii qabsaday xalay, iyadoo ay saakay xaaladu tahay mid iska caadi ah oo aysan ka jirin wax rabshado ah.
Odoyaasha ku dhaqan degmada Mahadaay ayaa ku guuleystay inay ka saaran dableeydii xalay la wareegtay degamadaasi, iyadoo aysan dhicin wax iska hor-imaad ah oo dhexmaray ciidamada deegaanka iyo maleeyshiyadkii xalay la wareegay deegaankaasi
Dableydaan la wareegtay degmada Mahadaay oo ku hubeysnaa hubka nuucyadooda kala duwan ayaa xalay la wareegay gacan ku heynta degmada Mahaddaay, iyagoo isku wareejiyay dhamaan aagaga la galo deegaankaas.
Dableydaan qabsatay deegaanka ayaan la ogeyn cida ka dambeysa qabsashadooda deegaanka, Balse waxa ay warar kale sheegayaan in dableydaan uu soo diray gudoomiyaha gobolka Shabeelada dhexe ay u soo magacowday dowlada federaalka, iyadoo ay jiraan dadaalo lagu doonayo in lagu sugo amniga deegaanka oo sii xumaanayo.
Gobolka Shabeelada dhexe ayaa horaantii sanadkaan waxaa maamul u soo magacaabay ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geedi kaasoo ay ka hor joogsadeen maleeshiyo taageero u ah Gudoomiyihii hore ee Gobolka Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere)
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!