Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Mareykanka oo Ergey cusub Somalia u soo magacaabay

Published on: 2007-05-18 08:34:24

(SomaliNet) Wasaarada arimaha dibada ee dalka Mareykanka ayaa dalka Somalia u soo magacaawday ergey cusub oo sida la sheegay la shaqeryn doono masuuliyiinta dowlada federaalka ee Somalia.

Ergeyga ay dowlada Mareykanka u soo magacaawday Somalia ayaa lagu magacaabaa John Yetes, kaasoo la shaqeyn doono hay-adaha dowlada federaalka ee Somalia, dowladaha gobolka, isagoo farisiinkiisa uu noqon doono magaalada Nariobi ee dalka Kenya.

Yetes waa masuul howl gab ah, laakiin ah qabiir ku xeel dheer arimaha Africa, kaasoo la filayo inuu dhawaan soo gaaro magaalada Nariobi ee dalka Kenya, si uu u guda gulo howlahiisa shaqo ee loo soo xil saaray.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Yetes lagu wado inuu kulan magaalada Nariobi dhawaan kula qaato madaxwqeynaha dowlada federaalka ee Somalai Col, Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo booqasho ku jooga dalka Uganda, iyadoo labadaasi masuul ay ka wada hadli doonaan arimihii ugu dambeeyay ee dalka Somalia.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in howlaha ugu horeeye ee uu ergeygaan cusub qaban doono ay tahay sidii uu u soo dhisi lahaa dowlad dhexe oo ka awood roon mida haatan ka jirta Somalia, taasoo la filaya inay hanato guud ahaan dalka Somalia.

Back to Category