Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Markab lagu afduubtay xeebaha Somalia

Published on: 2007-06-03 07:24:03

(SomaliNet) Markab kuwa xamuulka ah oo laga leeyahay dalka Denmark ayaa lagu afduubtay xeebaha dalka Somalia.

Markabkaasi ayaa waxaa lagu magacaabaa Danica White, waxaana markabkaasi saaran sida la sheegay shan ka mid ah shaqaalihii markabkaasi, iyadoo markabkaasi la sheegay inuu ka soo dhaqaaqay maarsada Dubia, isla markaana uu ku sii jeeday dekeda Mombasa ee dalka Kenya sida uu sheegay Joergen Folmer oo madax ka ah shirkad maraakiib oo laga leehaya dalka Denmark.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamo Fransiis ah ay isku dayeen inay badbadiyaan markabkasi hase yeeshee ay u suuragali weyday inay ka bad baadiyaan kooxihii burcad badeedka ee afduubka u geystay markabkaasi.

Xeebaha dalka Somalia ayaa noqday meel aan amaankeeda la isku haleyn Karin, iyadoo dhawaan markab kale oo la sii daayay la siiyay kooxihii afduubka u geystay madax furasho gaareysa 100,000 Doolars, waxaana wali kooxahaasi gacantooda ku jira maraakiib iyo doonyo kale oo iyaguna lagu afduubtay xeebaha dalka Somalia

Horey ayay dowlada federaalka ee Somalia ay beesha calamka uga codsatay in laga gacan siiyo ilaalinta dhanka xeebaha ee dalka Somalia si looga hortago burcad badeedka sooamaliyeed ee ka ugaarsada maraakiibta iyo doonyaha ku safra biyaha Somalia.

Back to Category