Skip to main content

 

.

 

 

.

SomaliNet Library

Masuul kale oo xalay lagu dilay Muqdisho

Published on: 2007-02-22 07:37:18

(SomaliNet) Cabdi Cumar oo ka mid ah masuuliyiinta maamulka degmada Wadajir ayaa xalay kooxo hubeysay oo aan la garaneynin ku dileen deegaanka Wadajir, xili uu ku sii jeeday hoygiisa.

Dilka Marxuumka ayaan la garaneynin waxa sababay, hase yeeshee isla xalay aya kooxo hubeysay ay dil kale u geysteen gudoomiyihii degmada Yaaqshiid md Muxudiin Xasan Xaaji waqti uu gurigiisa sii galayay, wuxuuna dilka Cabdi Cumar uu ku soo beegmay wax yar kadib markii gudoomiyaha degmada Yaaqshiid la dilay, iyadoo dadka intiisa badan ay arintani ku tilmaamen inay dilalkaasi ahaayeen kuwo lasoo qorsheeyay sida ay qabaan dadka Muqdisho qaarkood.

Duqa magalada Muqdisho md Cadde Xasan Cali ( Gaaboow) ayaa aad u dhaliilay falka lagu dilay gudoomiyihii degmada Yaaqshiid iyo gudoomiye ku xigeenkii Wadajir, isagoo sheegay inaan la aqbalikarin in la ugaarsado masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka golaha baarlamanka Somalia Prof, Dalxa ayaa isna si weyn u canbaareeyay dilalkaasi lagula kacay qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulka degmooyinka gobolka Banaadir xalay.

Waa dilalkii ugu horeeyay ee lagu la kaco qaar ka mid ah maamulka degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo arintani ay ka marqaati kaceyso nabadgelyo xumida ka taagan magaalada Muqdisho.

Back to Category