(SomaliNet) Maxamed Cumar Xabeeb ‘Maxamed Dheere’, gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdishu oo xalay ka hadlayey munaasibada 1-da Luulyo ayaa muujiyey debacsanaan la xiriirta in maamulkiisa uu diyaar u yahay inuu la xaajoodo raga mucaaradka ku ah dowlada.
Maxamed Dheere waxa uu sheegay in waxa uu ugu yeeray kooxaha qaska ka wada caasimada Muqdishu ay haboon tahay inay wadahal la furaan dowlada si loo xaliyo rabshadaha ka taagan gobolka.
Mar uu ka hadlayey xaalada gobolka Banaadir, Maxamed Dheere waxa uu sheegay in maamulka uu guulo ka soo hoyey arrimaha amaandarada gobolka oo ay yaraadeen weeraradii lagu hayey mas’uuliyiinta dowlada.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in maamulkiisa uu mushaaraad siiyay ilaa 3500 oo ciidamo boolis ka qeybqaadanaya soo celinta amaanka caasimadda Somalia.
Faalada Maxamed Dheere ayaa timid waqti saacadahii la soo dhaafay ay Muqdishu ka dhaceen qaraxyo lala beegsaday askarta dowlada, kuwaasoo laba ka mida booliska ay ku dhaawacmeen.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!