(SomaliNet) Xaflad lagu maamuusayo xilka wareejinta maamulka gobolka Shabeelada dhexe ayaa maanta la filayaa inay ka dhacdo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelada dhexe ee dalka Somalia.
Xafladaan xil wareejinta ah ayaa lagu wadaa inuu gudoomiyihii hore ee maamulka gobolka Shabeelada dhexe haatana ah gudoomiyaha gobolka Banaadir md Maxamed Cumar Xabeeb ( Maxamed Dheere) uu xilka gobolkaasi ku wareejiyo gudoomiyaha cusub md Maxamed Cumar (Daal) kaasoo ay dowlada federaalka ay u magaawday inuu noqdo masuulka ugus areeyo maamulka gobolkaasi, hase yeeshee aan tagin gobolka tan iyo markii loo magacabay inuu noqday gudoomiyaha gobolka Shabeelada dhexe, iyadoo ay jireen is hortaan lagu sameeeyay in uu taaro gudoomiayaha cusub xarunta gobolkaasi ee Jowhar.
Waxaa haatan ka socda diyaar garoow loogu jiro soo dhaweynta gudoomiyaha cusub ee Shabeelada dhexe iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir, iyadoo la filayo in wixii maanta ka dambeeya uu gudoomiyaha gobolka Shabeelda dhexe uu xilkiisa si wanaagsan u guto sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka.
Maxamed Cumar Xabeeb ( Maxamed Dheere) ayaa waqti dheer ka talinayay gobolka Shabeelada dhexe isagoo nabadgelyada gobolkaasiwax weyn ka qabtay, wuxuuna noqday maamulkii ugu wagaansanaa ee soo mara gobolkaasi atn iyo markii ay dhacday dowlada dhexe ee Somalia.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!