(SomaliNet) Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa wareegto uu soo saarey ku magacaabey Agaasimaha Guud ee nabad galyada iyo dib u heshiisinta.
Maxamed Cumar Xabeeb (maxamed Dheere) ayaa xilka agaasimaha u magacaabey Nuur Xasan Cali (Nuur Dalo) oo ka mid ahaa xubnihii Muqdisho kula dagaalamay golaha maxaakiimta, inkastoo xilligaasi Nuur aanu ku jirin isbahaysigii la dagaalanka argagixisada.
Nuur Daqlo oo xiriir aan la sameeyay kadib markii ay soo baxdey magacaabistiisa ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay xilka loo magacaabey.
Wuxuu dalbadey Nuur in xubnaha ku shaqada leh nabad gelyada sidii loo soo celin lahaa ay kala shaqeeyaan amaanka iyo sidii howlaha gobolka Nabad galyadooda ay wax uga qaban lahaayeen.
Magacaabista Agaasimahan ayaa ku soo beegantay iyada shalay uu gudoomiyaha gobolka Banaadir magaacaabey gudoomiyayaasha degmooyinka 8- degmo oo ka tirsan gobolka.
We are working on this section. Use the top menu for now.
Ready sections:
SomaliNet Forum Archive | SomaliNet News Archive | Modern Somalia History and more!!!